HORDHAC: Bournemouth v Manchester United

Manchester United ayaa u safreysa kooxda Brounemouth kulamada 11-aad ee asbuucan horyaalka Premier League.

Kooxda Mourimho ayaa kulamadii dambe aad u natiijo fiicneed, balse dheesha maanta ayay wajaheysa kooxda kaabka ku heysta kaalimaha sare.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 03:30 pm ( SGA )

Garsooraha: Paul Tierney

Garoonka: Vitality Stadium

Wararka Labada Koox

Bournemouth ayaa markale weyneysa laacibka Joshua King, kasoo laga dabiibayo dhibaato anqawga ah.

Kabtanka naaadiga Simon Francis ayaa shaki buuxa ku iraa madaama uu qabo dhaawac gumaarka ah iyagoo lasiin doon qiimeyn waqti dambaa oo lagu ogaanayo taam ahaan shihiisa.

Maamulaha Manchester United Jose Mourinho ayaa ku qasban inuu go’aan ka gaaro haddii uu u yeerayo weeraryahanka Romelu Lukaku, kaa oo keydka ahaa kulankii Everton.

Jesse Lingard, oo dib dhaawac uga soo laabtay cayaartaa ayaa xili dambe badal kusoo galay, waxaana la rajeyn doonaa in loogu yeero safka kowaad.

Kabtanka Antonio Valencia ayaa weli ku maqan dhaawac jilibka ah, halka Marouane Fellaini iyo Diogo Dalot ay sido kale ku maqan yihiin kabasho.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Bournemouth ayaa guuleysatay kulankoodii ugu horreeyay Premier League ay la kulmeen Manchester United 2015 laakiin waa guul la’aan shan ciyaar oo isku xigta tan iyo markaa, afar kamida cayaarahaas waa laga adkaaday.

United ayaa badisay labadii kulan ee u dambeysay oo ay booqdeen garoonka Vitality Stadium, waxayna dhaliyeen shan gool halka kaliya laga dhaliyay gool kaliya.

Kooxda lagu naaneyso The Cherries ayaa laga yaabaa iney shaqaba ilaashtaan kulankoodii afaraaf oo xariira markii u horreysay cayaaraha horyaalka sare.

Sido kale waa guuldarro la’aan lixdii dheel ee u dambeysay garoonkooda kulamada horyaalka ( 4 guul, iyo 2 guuldarro ), guuldarrdii u dambeysay waxay kasoo gaartay Manchester united oo 2-0 kaga badisay bishii April.

United ayaa mar kaliya shabaqa ilaashatay horyaalka Premier League xili cayaareedkan – kaliya Fulham ayaa ah kooxda qura ee difaacan weysay goolkooda.

Shaxda Macquulkaa

Marco Verratti oo Xalay Xabsi la dhigay isla markaana wajahaya Ganaax adag

Xiddiga qadka dhexe ee PSG Marco Verratti ayaa xabsi la dhigay balse laga sii daayay kaddib markii la qabtay isagoo cabsan oo kaxeenaya baabuur labo jeer, sida ay sheegayaan warar ka imaanaya dalka Faransiiska

Laacibka reer Talyaani ayaa la joojiyay baabuurkiisa mar uu marayay wadada Paris ring road, saacdaha hore uu subuxii arbacda.

Warsidaha L’Equipe, ayaa sheegaya in tijaabada laga qaaday dhiigiisa laga helay Alkolo dhan 0.49mg/l waana labo laab xadka France ee 0.20mg/l.

25-jirka ayaa la dhigay xabsi wuxuuna wajihi doonaa ganaax dheer oo dhanka baabuur wadista ah.

Naadiga PSG weli kama aysan hadlin xabsigii la dhigay xiddigooda Verratti.

Jamaahiirta kooxda Real Madrid oo hal arin ka codsaday Santiago Solari, kahor kulanka Real Valladolid

Jamaahiirta kooxda Real Madrid ayaa ka codsaday macalinka ku meel gaarka ah ee Los Blancos Santiago Solari, inuu ku soo bilaawo kulanka bari ay horyaalka La Liga kula ciyaari doonaan kooxda Real Valladolid da’ayarka reer Brazil Vinícius Jr.

Kooxaha Real Madrid iyo Real Valladolid ayaa bari ku wada ciyaari doono garoonka Santiago Bernabeu kulankooda 11-aad horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Vinícius Jr ayaa markii ugu horeesay kusoo bilaawday shaxda kooxda Real Madrid kulankii Copa del Rey ay kula ciyaareen kooxda Melilla, tan iyo markii uu yimid garoonka Santiago Bernabeu.

Da’ayarka reer Brazil ayaa wuxuu bandhig fiican ka sameeyay kulankan, isagoo sidoo kale caawiyay goolkii 2-aad uu dhaliyay saaxiibkiis Marco Asensio, wuxuuna ku guleestay inuu hantiyo quluubta jamaahiirta.

Hadaba wargeyska “AS” ayaa wuxuu afti ka sameeyay jamaahiirt kooxda Real Madrid si loo ogaado fikirkooda kaga aadan inay doonayaan in tababare Santiago Solari uu ku soo bilaawdo kulanka bari ee kooxda Real Valladolid.

Hadaba natiijada kasoo baxday cod uruurintii la sameeyay ayaa noqotay mid cajiib ah, kadib markii 90% ay u codeeyeen in Vinícius Jr lagu soo bilaawo kulankan horyaalka La Liga.

Jamaahiirta Real Madrid ayaa waxay u codeeyeen xidiga ku haboon inuu ku soo bilaawato kursiga keydka si loogu soo bilaawo Vinícius Jr.

45% jamaahiirta Real Madrid waxay sheegeen Gareth Bale, kaasoo qaab ciyaareed liita muujiyay kulamadii lasoo dhaafay, sidoo kale 35% waxay u codeeyeen inuu noqdo Karim Benzema, halka Marco Asensio uu soo galay booska saddexaad 11%, Isco ayaa isna galay booska 4-aad 9%.

Kadib Messi, Samuel Umtiti oo isna ku soo laabtay tababarka buuxa ee Barcelona

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa shalay ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxdiisa.

Laakiin taageerayaasha Barcelona ayaa maanta helaya war farxad leh kadib markii uu dib tababarka ugu soo laabtay Samuel Umtiti.

Xiddigaan ayaa ka bad baaday inuu maro qaliin uu la maqnaan lahaa waqti dheer, kadib dadaal badan oo kooxdu ay ku bixisay caafimaad qabkiisa ayuu saaka ku soo laabtay tababarka buuxa.

Messi ayaa hiigsanaya inuu taam u noqdo kulanka talaadada dambe ay Barcelona u safrayso Inter Milan, laakiin lama hubo waqtiga Samuel Umtiti uu dib ugu soo laabanayo safka kooxdiisa.

“Cristiano Ronaldo Waqtiga Saxda ah ayuu yimid Juventus” – Marcello Lippi

Tababaraha reer Talyaani ee Marcello Lippi ayaa xaqiijiyay in laacibka ku soo guuleystay 5 jeer abaal marinta Ballon d’Or ee Cristiano Ronaldo uu dhaqaaqay kooxda Juventus waqtiga saxda ah.

Marcello Lippi ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay wuxuu ku tilmaamay in Cristiano Ronaldo uu yimid kooxda Juventus waqtiga loo baahnaa, kadib markii uu kaga soo biiray Real Madrid suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay.

“Juventus waxay la saxiixatay Cristiano Ronaldo waqtiga saxda ah, saameyntiisu innaba caadi maahan haddii ay la soo saxiixan lahaayeen saddex sano ka hor wuxuun lahaan lahaa saameyn intaan ka yar.

Tababaraha reer Talyaani ee Marcello Lippi ayaa wuxuu intaas kadib ka hadlay macalimiinta shabaha isaga marka laga hadlayo xirfadiisa tababarka ee kubada cagta.

“Waxaa jira macalimiin badan, laakiin kuwa ugu macquulsan ayaa ah Massimiliano Allegri, Carlo Ancelotti iyo Luciano Spalletti, laakiin tababaraha Juventus waa kan ugu dhaw ee aniga i shabaha”.

Si kastaba Cristiano Ronaldo ayaa kaga soo dhaqaaqay kooxda Real Madrid suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay kadib mudo dhan 9 sano uu ku soo qaatay aduun dhan 100 milyan euro.

Barcelona oo Bahdishay Real Marid kulankii Clasico xili Seddaxley uu Dhaliyay Luis Suarez+SAWIRRO

Kooxda Barcelona ayaa si la yaqaan ugu raaxeysatay naadiga Real Madrid markii ay uga adkaadeen 5-1.

Qeybta hore cayaarta ayaa lagu kala maray 2-0 oo ay ku hogaanimeysay Barcelona waxaana goolka daah furka dheesha u dhaliyay xiddiga Philip Coutinho oo ay dhameystiray kubbad soo martay dhawr baas markii cayaart socotay daqiiqadii 11-aad.

Intaa la aadin nasiinada kulanka Barcelona ayaa la timid goolka labaad kasoo ahaa Rigoore uu dhaliyay Suarez oo lagu go’aamiyay aalada VAR kaddib qalad uu galay daafaca Varane.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe Real Madrid ayaa lasoo shir tagtay cayaar ka duwan qeybtii hore,

Real ayaa la timid goolka Calanka waxaana u dhaliyay Marcelo oo goolka ku hubsaday diib uu soo dhigay Isco.

Sheekada wixii intaa ka dambeyay Barca ayaa la wareegtay maamulka cayaarta Luis Suarez ayaana dhaliyay laba gool oo xariira taasoo uu ku dhameystiray seddaxdleyda uu kulanka ka dhaliyay,

Waxaana ugu dambeyn soo afjaray goolasha lagu xasuuqay Real Madrid Arturo Vidal oo madax ku dhaliyay karoos uu soo dhigay Ousmane Dembele.

Waa guuldarradii seddaxaad oo xariira oo kasoo gaartay horyaalka kooxda Real Madrid taaso mugdi galineysa xilka tababaraha reer Spain.

Arsenal oo iska diiday in uu dib ugu soo laabto Fàbregas, xili ay xiiseenayaan mid ka mid ah xidigaha Barcelona

Wargeyska “El Mundo Deportivo” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maamulka kooxda Arsenal ay iska diideen in markale uu dib ugu soo laabto Cesc Fàbregas Emirates Stadium suuqa xagaaga ee soo aadan.

Cesc Fàbregas ayaa wuxuu shaaca ka qaaday malmo yar kahor inuu si xoogan u xiiseenayo dib ugu laabashada gurigiisii hore ee kooxda Arsenal xili ciyaareedka soo aadan.

Heshiiska Cesc Fàbregas uu ku joogo kooxda Chelsea ayaa wuxuu dhacayaa dhamaadka xili ciyaareedka soo socda, wuxuuna xaq u yeelan doonaa inuu heshiis la gaaro kooxda uu doono suuqa soo aadan ee furmi doono bisha January.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Mundo Deportivo” maamulka kooxda Arsenal ay si buuxda u diideen soo laabashada Fabregas mar kale ee Emirates Stadium kadib markii uu ka tagay 2011, si uu ugu biiro kooxda Barcelona, kadibna wuxuu u wareegay kooxda uu haatan ku sugan yahay ee Chelsea sanadkii 2014.

Dhinaca kale wargeyska ayaa wuxuu soo bandhigay sida ay kooxda reer London ee Gunners ay kaga fiirsaneyso inay sameyso saxiixa da’ayarka Barcelona ee reer Brazil Malcom, kaasoo noqon doono bar-tilmaameedkooda koowaad ee xili ciyaareedka soo aadan.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in Malcom uu ku faraxsan yahay joogitaankiisa kooxda Barcelona, laakiin isla markaas, waxaa xaqiiqo ah inuu ka dhaqaaqi doono Cump Nou hadii uu ka heli waayo fursad dhameystiran kooxda reer Catalonia, Arsenal ayaana lagu tirinayaa inay ka mid tahay kooxaha sida xoogan u xiiseenaya saxiixiisa.